Madaxweyne Farmaajo oo Raysal Wasaare Khayre Ku amray inuu Is Casilo Iyo Raysal Wasaaraha oo Go’aan adag ka qaatay DAAWO
Muqdisho 07. September 2017 (SDN/QJ):- Warar ka soo baxaya xarunta Villa Somalia ee Muqdisho ayaa daaha ka rogay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha dawlada Federaalka Somalia Mudane Maxamed C.laahi Farmaajo iyo Raysal Wasaarihiisa Xasan Cali Khayre.
Tibaaxan ayaa sheegaya in Farmaajo uu ka dalbaday in Raysal wasaare Khayre is casilo kadib dhaleecayn xoogan oo ay dawladu kala kulantay markii ay Itoobiya ku wareejisay Sarkaalkii Ururka ONLF Isla Markaana ay qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamanka Somalia ka dalbadeen Madaxweynaha,Raysal Wasaaraha,Wasiirka Gaashaandhiga,Iyo Taliyaha Nabadsugida ee Nisa inay ugu yeedhi doonaan xarunta baarlamanka si ay Jawaab lagu qanco uga bixiyaan cida amarkaas bixisay .