|

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump Iyo Waxyaabihii laga wada Hadlay DAAWO

Riyadh 23. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa halkaasi kulan kooban kula qaatay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

 

Kulanka kooban ee dhax maray labada Madaxweyne ayaa intiisa badan looga hadlay dagaalka kooxda Al Shabaab ka wado Soomaaliya iyo sidii Dowlada Mareykanka gacan uga geeysan laheed la dagaalanka kooxdaasi oo maamusha qeybo kamid ah Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday dhigiisa dalka Mareykanka in ay ka taageeraan dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab, waxa uu Farmaajo sheegay in kooxdaasi qatar ku yihiin amaanka Soomaaliya iyo danaha Mareykanka ee geeska Afrika.

 

Donald Trump ayaa u balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in ay taageeri doonaan gaar ahaan gacan ka siin doonaan dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab , waxa uuna sheegay in horey u saxiixay in dagaal lala galo kooxda Al Shabaab.

 

 

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka kooban ee dhax maary Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Mareykanka looga hadlay dar dar galinta dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

 

Waxa uu sheegay Agaasimaha in kulankan uu ahaa mid muhiim ah oo labada Madaxweyne si weyn uga hadleen halista kooxda Al Shabaab iyo sidii dowlada Mareykanka gacan uga geysan laheed dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

 

Kulankan dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay isku arkaan, labadan Madaxweyne ayaa sanadkan xilalka la waregay kadib guulo ay ka gaareen doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliya iyo Mareykanka.

Comments are closed