Madaxweyne Farmaajo oo Kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey SAWIRO
Muqdisho 06. March 2017 (SDN/QJ):-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray si weyna loogu soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres ayaa kulan gaar ah ku qaatay xarunta Xalame ee kutaala garoonka Aadan Cadde, waxa ayna kawada hadleen abaarta daran ee xiligan ka jirta Soomaaliya ee u dhimanaan dad iyo duunyo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu u yimid magaalada Muqdisho qiimeynta xaalada abaaraha ee ka jira Soomaaliya iyo sidii kaalmo caalami ah loogu heli lahaa dadka ay abaarta saameysay.
Waxa uu sheegay Antonio Guterres in uu ka baqayo in meel xun gaarto abaarta xiligan ka jirta Soomaaliya ayna ka darnaato tii dhacday 2011-kii hadii aan la helin kaalmo deg deg ah, waxa uuna tilmaamay in abaarta ay saameysay dad gaaraya 6.2 milyan oo ruux .
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in abaarta Soomaaliya ka jirta ay gaartay meel aad u xun ayna u dhimanayaan dad iyo duunyo.
Farmaajo waxa uu sheegay hadii 60-ka malamood ee ugu soo horeysa roob la waayo in halis loogu jiro in abaarta ay u dhintaan dad ka badan kuwii dhintay sanadkii 2011-kii uu tilmamaay in ay ka badnaayeen 200-Kun oo qof.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in uu ka shaqeeyo sidii gar gaar bini’aadanimo oo deg deg ah loogu heli lahaa dadka u dhimanaya abaarta iyo cudurada shuban biyoodka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa booqashada Muqdisho kadib waxa uu usii gudbay magaalada Baydhabo halkaas uu kula kulmayo Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu iyana kala hadlayo xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed.