Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Dalka Imaaraatka Carabta Xili Xadhiidhka Labada Wadan uu Murgay
Muqdisho 08. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in maalinta beirto booqasho rasmi ah ku tagaan Dalka Imaaraatka Carabta.
Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhoofay wafdi Horu dhac ah u safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo Imaaraatka, waxaana xubnaha dalkaasi kaga sii hor maray Madaxweynaha ku jira Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Booqashada uu ku tagayo dalka Imaaraatka Carabta Madaxweynah Soomaaliya ayaa noqoneysa tii ugu horeesy uu dalkaasi ku tago tan iyo markii la doortay, waxa uuna Madaxweynaha la kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa dowlada Imaaraatka.
Wadahadalada uu Farmaajo la yeelan doono dowlada Imaaraarka Carabta ayaa u badnaan doono kuwa looga hadlayo soo celinta xariirkii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanayay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo horjeestay Heshiis ay Dowlada Imaaraatka la gashay Somaliland oo ku aadan in saldhig milatari ka furato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa uuna Madaxweynaha Imaaraatka uga dacwooday Dowlada Sacuudiga.
Dowlada Sacuudiga ayaa lagu so waramaya in ay ka shaqeysay isku soo dhawaan shiyaha Madaxweyne Farmaajo iyo dowlada Imaaraatka, waxaana laga dhursugayaa natiijada kasoo baxda wadahadalada uu Farmaajo la qaato Madaxda Imaaraatlka.
Imaaraatka ayaa mujdooyinkii ugu dambeeyay saameyn toos ah ku yeelanayay Soomaaliya, waxa ayna dowladaasi Heshiisyo la gashay Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land, waxaana Dekadaha Boosaaso iyo Berbera lagu wareejiyay Shirkad Imaaraatka laga leeyahay ee DPW.