|

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaaqay Xaalad Dagaal oo Ka Dhan ah Ururka Al Shabaab Isaga Oo Xidhan Dirayska Gaarka u ah Ciidanka SAWIRO

Muqdisho 06. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada isaga oo xiran dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhawaqaay in uu dalku ku jiro xaalad dagaal.

Farmaajo oo maanta isbadal weyn ku sameeyay taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa ku dhawaqaay in uu dalka ku jiro xaalad dagaal, waxa uuna Iclaamiyay Madxaweynaha dagaal ka dhan ah Kooxda Al Shabaab ee dagalaka kula jirta dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka ee Soomaaliya gacana ku siiyaan dagaalka ay la galayaan Kooxda Al Shabaab uu tilmamay in ay kasoo horjeedaan nabada iyo noloshada Umada Soomaaliyeed.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Dhalinyarada katirsan Dagaalyahanada Al Shabaab in ay isaga soo baxaan kooxdaasi , waxa uuna balan qaaday dhalinyarada kasoo baxda Al Shabaab in ay soo dhaweyn u sameenayaan una abuurayaan mustaqbal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid markan doonaya in uu dib u bilaabo howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab oo wali maamusha qeybo kamid ah dalka , waxaana laga warsugayaa xaalada dagaal uu ku dhawaqaay Madaxweynaha iyo isbadalka ay la yimaadaan Taliyaasha cusub.

Comments are closed