Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Caqabada lasoo daristay Golaha Wasiirada Baaqna u diray Baarlamaanka
Muqdisho 28. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Caqabadaha lasoo darsay Golaha Wasiirada cusub oo xiligan diidmo kala kulmaya Xildhibaano tiro yar oo katirsan Baarlamaanka.
Farmaajo ayaa ugu baaqay Baalamaanka Soomaaliya in ay mel mariyaan golaha Wasiirada cusub, waxa uuna tilmaamay in xiligan dalka uu ku jiro marxalad adag lagana wanaagsan yahay in khilaaf siyaasadeed la abuuro waqti kalana la lumiyo.
Madaxeynaha ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay yihiin dad aqoon badan u leh shaqada loo igmaday , waxa uuna cadeeyay in uu taageersan yahay Wsaiirada magacaaban.
” Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka in aysan is hortaag ku sameyn golaha Wasiirada oo ay ansixiyaan, hadii dhaliilo iyo khaladaad yimaadaan halala xisaabtamo Wasiirada oon yana laga hordhicin iyaga oon waajibkooda gudan” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Xukuumada cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Kheyre ay tahay mid wanaagsan loona baahan yahay in la siiyo waqti ay wax ku qabato, waxa uuna shacabka ka codsaday in ay taageeraan Xukuumada cusub.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaano uu horboodayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya sheegeen in aysan ku qanacsaneyn golaha Wasiirada ee magacaaban kana soo horjeedaan in la ansixiyo.