Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Arin Muhiim Ah Oo Dowladiisu Diirada Saareyso Saddexda Bilood Ee Soo Socota
Muqdisho 04. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayey dibed bax lagu taageerayey wax qabadka dowlada ee 100-ka maalmood oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ka waramay qorshaha dowlada ee saddexda bilood ee oo socota.
Waxaa u sheegay in dowladiisu diirada saareyso saddexda bilood ee soo socota toosinta hanaanka garsoorka dalka iyo Maxkamadaha oo uu xusay in cabashooyin badan iyo khaladaad ay ka jiraan.
“Saddexda bilood ee soo socota waxaan ka shaqeyn doonaa Garsoorka, Xiligii Cadaalada darada waa dhamaatay, xiligii sida loo kala xoolaha badan yahay loo kala xooga badnaa waa dhamaatay, xiligii uu garsoore uu shan go’aan oo iska soo horjeeda hal guri marba qof kuu xukminayay waa dhamaatay” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxaa uu sheegay iney si adag ula xisaabtami doonaan heyadaha cadaalada iyo garsoorayaasha Maxkamadaha.
“Garsoorihii muwaadiniinteena ku xukuma go’aan aan sharci aheyn anaguna aduunyada ayaan kula xisaabtami doonaa tii Aakhirana meel ayay u taalaa inta aan Madaxweyne ahay ma dhici doonto inuu qof Muwaadin ah maxkamad hortago cadaalad daro lugu xukumo, ma dhici doonto in hooyo Soomaaliyeed ay cadaalad daro la ooyso, Garsoorihii sidaas sameeya wallaahi xabsi ayuu ku danbeyn doonaa” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.
Farmaajo ayaa digniin gaar ah u diray ciidamada dowlada Somalia, isagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin askarigii dhibaato u geysta shacabka.
“Askarigii isaga oo tuutaha calankeenu ku yaalo xirta, ee xaqa iyo xuquuqda uu nugu leeyahay naga hela, ee dhibaato u geysta qof shacab ah waxaan ku ciqaaabi doonaa ciqaab daran, kii qof shacab ah dila isagana tiirka ayaa sugaya” ayuu yiri madaxweynaha.