Madaxweyne Farmaajo oo goor dhawayd si rasmi ah ula wareegay Xilka & Madaafiic Lagu Garaacay Xarunta Villa Somalia
Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw xilka si rasmi ah ugala wareegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya.
Munaasabada xil wareejinta waxaa ku sugnaa masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo goob joog ka ahaa munaasabada xil wareejinta , waxaana Madaxtooyada si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub agabyo kala duwan ay ku jiraan hadiyo qaali ah oo isugu jira dahab, qalin iyo maar kuwaa oo hadiyad ahaan uga soo helay Madax iyo wadamo kala duwan.
Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasbada ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay dimuquraadiyad iyo isbadal muuqda.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa u mahad celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dowlada cudsub ee Soomaaliya ay tahay mid shacab , waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowlada cusub.
Farmaajo oo loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 8-dii bishan Febraayo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, waxaana la filayaa in uu dhawaan magacaabo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.
Sidoo Kale tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen xaafado kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdan ay ahaayeen kuwa si xoogan looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.
Sida aan Wararka ku heleyno madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo kamid ah Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in madaafiicda qaarkood ay gudaha ugu dhaceen Madaxtooyada.
Madaafiicda goordhaw lagu garaacay Xarunta Madxatooyada Soomaaliya ayaa gaarayay ilaa 4 madfac, lama oga goobaha rasmiga ah ay ku dhaceen iyo waliba qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Madaafiicdan lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili saacad kahor uu xilka si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya.,
Waa markii ugu horeesay oo Madaafiic lagu soo garaaco magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada tan iyo markii xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Mdaxaweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.
Waxii warar ah ee kusoo kordha madaafiicdan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah