|

Madaxweyne Farmaajo oo Gaadhay Dalka Ugandha,Xog Ku Aadan Ujeedka Socdaalkiisa Iyo Maqaam Hoose oo Lagu Soo Dhaweeyay DAAWO

Kampala 23. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

 

Booqashadan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni.

 

Waxay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa horey booqasho ugu tagay Wadamada Dariska qaarkood sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, waxa ayna booqashadan uu ku tagayo Uganda noqoneysaa markii ugu horeesay uu dalkaasi tago isaga oo Madaxweyne ah.

 

Dalka Uganda ayaa kamid ah dalalka Afrika ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana dalka Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo nabad ilaalin ah kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Waa markii ugu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku tago dalka Uganda tan iyo markii xilka loo doortay afar bilood ka hor, waxaana xusid mudan in Ugandha ay tahay dalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalka Midowga afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.

Comments are closed