Madaxweyne Farmaajo oo Boqol Kun Oo Doollar u Ballan-qaaday Qofka Soo Sheega Gaadhi Qarxi Raba, Cusbitaalkana ku Booqday Dhaawayadii Shalay
Muqdisho 20. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Xalay ku booqday Dadka Dhaawacyadu ka soo gaadheen Qarax Axaddii Shalay ka dhacay isla Muqdisho.
Waxaanu Madaxweyne Farmaajo sheegay in Qofka soo sheega Gaadhi Qarax lagu fulinayo inta aan la qarxin uu ku abaal-marin doono Lacag dhan Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah.
Cusbitaalka Madiina ee Caasimadda Muqdisho oo inta badan shalay galab la geeyey ugu yaraan 47 Ruux oo Shacab iyo Askar Ciidammada ka tirsan isugu jira, kuwaas oo ku dhaawacmay Qaraxaa ka dhacay Suuq ku yaalla degmada Wada-jir ee gobolka Banaadir, waxaana Qaraxaas ku dhintay ugu yaraan 30 Qof oo qaarkood dhaawac-dhinteen, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Caafimaadka ee Cusbitaalka Madiina, ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyey oo Ciidammadu xidheen waddooyinka gala iyo kuwa mara nawaaxiga Cusbitaalka intii Madaxweynuhu ku sugnaa iyo markii uu soo beegnaaba.
Madaxweyne Farmaajo oo Qof Qof isu dul-taagay Dadka ku dhaawacmay Qaraxaas, ayaa u duceeyey Dadkaas oo uu Allaah uga beryey inuu Caafimaad siiyo oo nabar-gardarro uga dhigo waxa soo gaadhay, una malmaliyo. Halka uu intii ku dhimatay Qoysaskooda, Eheladooda iyo Qaranka Soomaaliya-ba Tacsi uga diray.
Waxaa Madaxweynaha Booqashadaa ku weheliyey Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka General Gaafaw iyo Saraakiil kale oo Hay’adaha Ammaanka ka tirsan.
Waxa uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, intaas ku daray oo uu sheegay in Qofka soo sheega Xogta Gaadhi ay saaran yihiin Walxaha Qarxa oo Al-Shabaab damacsan tahay inay Qarxiso, balse aan weli qarxin inuu ku abaal-marin doono Boqol Kun oo Doollarka Maraykanka ah. Waxaanu Shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Hay’adaha Ammaanka, si nabadgelyadooda iyo ta dalkoodu u noqoto mid sugan.
Qaraxaas oo loo adeegsaday Gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo ku qarxay Suuq ku yaalla Xaafadda Kaawo-Goday oo ka tirsan degmada Wada-jir ee magaalada Muqdisho, waxaanu noqonayaa Qarixii ugu weynaa uguna khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca intii Madaxweyne Farmaajo la doortay ama bishan aynu ku jirno gudeheeda-ba, balse Kooxda Al-Shabaab oo weerrada noocan oo kale ah caan ku ah, kana fulisa gudaha dalka Soomaaliya, ayaan sheegan masuuliyadda Qaraxan oo aan weli ka hadal.