|

”Madaxweyne Farmaajo Ha La Dilo,Raysal Wasaaraha Ha La Dilo,Dawladoo Dhan Ha La Dilo Waayo Somalia Waxa Maanta Joogaa Waa Gaalo” Haweenay u Dhaxday Sarkaal Sare oo Alshabaab ka Tirsan oo La Qabtay DAAWO

Muqdisho 26. February 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah saraakiisha Ajaaniibta Al-shabaab

Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Leyla Cumar Baaruud waa xaaska sarkaal Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Itoobiyaan kaasoo ka tirsan xoogaga Al-shabaab ee ka horjeeda dowlada Somalia.

Saraakiisha ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu raadjoogay haweeneydan muddo shan bilood ah oo ay ku dhuumaaley-saneysay degmooyinka gobalka Banaadir.

Leyla ayaa la sheegay iney kooxda Al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta carruurta, iyadoo dugsi xifdinta Qur’aanka Kariimka ah lagu barto ku laheyd Jubooyinka.

Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii shalay Leyla ku qabtay demgada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa gaari ka raacdo.

Laylo Cumar Baaruud oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxay saraakiisha sirdoonku sheegeen iney ku talax tagtay fikradaha kooxda Shabaab oo sida ay sheegtay ku tashkiilinayay fikradahooda muddo todobo sano ah.

Haweeneydan ayaa sheegtay iney ku si jeeday seygeeda oo ah nin Ajnabi ah oo ay sheegtay inuu ku sugan yahay degmada Jilib.

Comments are closed