Madaxweyne Erdogan Oo Muqdisho Gaadhay, Xadhigana Ka Jaray Goobo Muhiim ah Oo Dawladdiisu Hirgelisay
Muqdisho:Jan,25,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Turkiga, ayaa goor dhaweyd soo gaahay Magaalada Muqdisho, waxana uu xadhiga ka jaray Tiro mashaariic ah oo xukuumadiisu hirgelisay.
Diyaaradda, ayaa wefdiga Madaxweynaha Turkiga ka soo duulisay Garoonka Magaalada Djibouti, halkaasoo labadii habeen ee ugu dambeysay ay ku hoydeen.
Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin kala duwan, waxana u madaxweyne Erdogan xadhiga ka jaray Terminal cusub.
Dhanka kale Garoonka Aadan Cadde iyo Goobo kale oo magaalada Muqdisho ah, ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Turki ah oo si gaar ah u tababaran, si ay u suggaan ammaanka Hogaamiyaha Wadanka Turkiga.
Madaxweyne Erdogan, ayaa lagu wadaa inuu xadhiga Isbitaalka Digfeer, oo qalabayn ballaadhan uu Turkigu ku sameeyay.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay maalmihii ugu dambeysay ay Magaalada Muqdisho ka waday qaban qaabo ballaadhan, oo ay ugu diyaar garoobeyso soo dhaweynta wefdiga Madaxweyne Erdogan.
SDN/QJ