Madaxweyne Donald Trump oo Iftiimiyey Qorshe uu isbedel ku samaynayo oo la Xidhiidha Cashuuraha Maraykanka & Cida uu dan u yahay
Washington 29. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qorshaha isbeddelka loogu sameynayo canshuurta Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga ay soo bandhigeen uu yahay naxariis u timid dadka dabaqadda dhexe.
Trump ayaa qorshahan shaaca ka qaaday isaga oo kumanaan qof kula hadlayey magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana, halkaasi oo uu ka sheegay in qorshahan uu yahay fursad jiilkiiba mar timaada, oo oo dadka shaqeeya ee Mareykanka u yabooheysa gargaar xagga canshuurta ah.
Waxa uu sheegay in habka canshuuraha Mareykanka ee iminka uu yahay mid waqtigiisa laga gudbay, oo dhib badan, kaasi oo caqabad ku ah horumarka dhaqaalaha Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha Jamhuuriga uu sharciga canshuuraha ka dhigayo mid fudud oo aan cidna u eexaneyn.
Qorshahan ayaa sheegaya in dadka dhaqaalaha yar sameeya aan looga baahnaan doonin inay wax lacag ah bixiyaan, wuxuuna sidoo kale dhimayaa canshuurta laga qaado shirkadaha waa weyn oo laga dhigayo 25%, halka iminka ay ka tahay 39%.