|

Madaxweyne Donald Trump oo Falkii ka Dhacay Las Vages oo Nin Hubaysani Ku Dilay Ku dhawaad 60 Ruux iyo Dhaawaca Gaadhaya 515 Ku Tilmaamay Ficil Shaydaan & Calanka Maraykanka oo Hoos loo dhigay

Washington 03. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Trump oo shacabka Maraykanka kala hadlay Tilifiishanka ayaa sheegay inuu falkii ka dhacay Las Vages ee nin ku diley 58 qof, kuna dhaawacay 515 qof, uu ahaa ficil shaydaan oo cad.

Isaga ku dhawaaqay in calanka Maraykanka hoos loo dhigo ilaa jimcaha, dadka dhintayna loo duceeyo. Trump wuxuu sheegay inuu arbacada soo socota uu booqan doono magaalada shilku ka dhacay ee Las Vages. Madaxweyne Trump kamuu hadal warka ay soo saareen ururka ISIS ee sheegay in ninka dilka geystay uu ka tirsanaa ururkooda oo soo islaamay bilk a hor.

 

Sidoo kale madaxda guriga cadi kamay hadal warka ururka ISIS, waxa keliya ee ay ku gaabsadeen uu ahaa inay baadhisi socoto. Hayada sirdoonka ee FBI ayaa sheegay in aanay weli haynin wax caddaynaya inuu xidhiidh ka dhexeeyey ninkan iyo argagixisada caalamiga ah. Madaxweyne Trump ayaa ku baaqay in shacabka maraykanku u midoobo dadka kula kacaya ficilada shaydaanka. Wuxuu intaasi raacay in midnimada Maraykanka aanay dhaawici Karin shayaadiintu.

 

Booliska Las Vages ayaa sheegay inay aqoonsadeen ninkii xabbada ku diley 58 qof, sidoo kalena ku dhaawacay 515 qof, ninka oo ay boolisku ku sheegeen inay da’diisu ahayd 64 jir magaciisana ay ku sheegeen Stephen Craig Paddock,  waana dhiig-daadashadii ugu xumeyd ee gashay taariikda casriga ah ee Maraykanka. Arrimaha ku saabsan xakameynta hubka dadweynuhu qaataan ayaa Maraykanka ka ah arrin xaasaasi ah, oo madaxdu ku kala aragti duwan tahay, madaxweyne Trump ayey aragtidiisa xakameynta hubku is-bedeshay sannadihii uu xilka hayey.

Comments are closed