Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay Qorshayaal Dagaal oo ay kaga hortagayaan Kuuriyada Waqooyi
Washington 30. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka maraykanka donald Trump ayaa sheegay in qorshe kastaa suurogal u yahay ka dib markii ay Kuuriyada waqooyi gantaal kuwa balaastikada ah riday oo dulmarisay Dalka Jaban ka hor intii aanu ku dhicin biyaha badweynta Hndiya, waana iska hor imaad cusub oo ay werwer ka muujiyeen dalalka caalamku.
Kuuriyada waqooyi ayaa hore u sheegtay inay xaq u leedahay inay u diyaargarowdo sidii ay nafteeda uga difaaci lahayd wax ay ugu yeedhay daandaansiga cadowtinimada ah ee Dalka maraykanka.
Golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya gantaalka cusub ee ay Kuuriyada waqooyi riday, kaasoo uu Raysalwasaaraha Jaban Shinzu Abe ku tilmaamay hadidaad khatar ah oo aan hore u dhicin.
Madaxweynaha Maraykanku waxa uu dhankiisa gantaalkan cusub ee Kuuriya riday ku sifeeyey dhambaal cusub oo ay kuuriya u soo dirtay beesha caalamka kaas oo ay ku muujinayso khatarta ay ku hayso dalalka la jaarka ah, isagoo intaa ku daray in qaaditaanka talaabo kastaa suurogal tahay si loo joojiyo falalka Kuuriyada waqooyi.