|

Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay inuu Cunaqabataynta Ku Sii Hayn doono Ruushka, & Lataliyaha Trump oo la ogaaday Xidhiidhka uu la lahaa Ruushka

Washington 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan waxba ka badali doonin cunaqabeynta uu maamulka madaxweyne Obama kusoo rogay Ruushka, balse cunaqabateynta aysan noqon doonin mid waqti dheer socoto.

Wareysi uu siiyey wargeyska Wall Street Journal ayuu Trumpku sheegay inuu cunaqabeynta Ruushka lagu sii hayn doono muddo xadidadan, laakinse ay dhici karto sida uu Sheegay inuu ka qaado hadii Ruushka uu Mareykanka kala shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidoo kale hadii uu ka caawiyo wax uu ku tilmaamay ahdaafta muhiimka ah ee Maraykanka.

Waxa kale oo uu Trump sheegay inuu la kulmi doono madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin marka loo dhaariyo xafiiska.

Dhinaca kale, warbixin uu qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in Ruushka uu Donald Trump ku Marti qaaday shirka wada hadalada nabada ee Suuriya ee lagu qaban doono caasimada dalka Kazakhstan ee Astana, maalmo yar kadib marka Trump loo dhaariyo xilka madaxweynaha Mareykanka.

Geesta Kale Xili ay weli taagan tahay xiisada siyaasadeed iyo shakiga laga qabo xidhiidhka ka dhaxeeya Madaxweynaha cusub Donald Trump iyo Ruushka ayaa la ogaaday in Lataliyaha Sare ee Trump uu xidhiidh toos ah la lahaa Madaxda Ruushka.

 

Michael Flyyn oo uu Trump u magacaabay Latliyihiisa dhanka Amniga ayaa la ogaaday inuu xidhiidh toos ah la lahaa diblumaasiyiinta Ruushka ee ku sugan wadanka Maraykanka.

 

Flynn ayaa la sheegay inuu xidhiidh toos ah la yeeshay Safiirka Ruushka u fadhiya Washington isla todobaadkii Madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama uu ku dhawaaqay cunaqabateyn la saarayo iyo Diblumaasiyiinta Ruushka laga saaray wadanka Maraykanka.

Arrintan ayaa kusoo beegantaya xili weli Donald Trump uu diidan yahay inuu cambaareeyo Ruushka farogelintii la sheegay inuu ku sameeyey Doorashada Maraykanka iyo waliba weerarkii dhanka internetka ee Ruushka lagu eedeeyey inuu ku qaaday xarumaha labada xisbi ee Maraykanka.

Comments are closed