Madaxweyne Donald Trump oo Cadeeyay in Maraykanku Mudo Ku Siman Rubuc Qarni u Dulqaadanayay Kuuriyadda Waqooyi & In wada hadal lagu dhameeyo Xiisada u dhaxaysa labada dal oo uu ku sifeeyay mid aan Xal keenayn
Washington 31. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka maraykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyey wadahadal diblumaasiyadeed oo lala galo Kuuriyada waqooyi, waxana uu sheegay in aanay wadahadalo la galaa xal u ahayn xaalada taagan.
Hadalka Madaweynaha Maraykankuna waxa uu ku soo beegmay kadib markii ay kuuriya gantaal kuwa balaastikada ah dulmarisay dalka japan.
Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twetter-ka waxa uu soo dhigay in Ameerika ay muddo rubuc qarni ah u dul qaadanaysay Kuuriyada waqooyi, haatana wadahadal la sii wado aanu wax xal ahi ku jirin
Dhinaca Kale Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa Canbaareeyey Gantaal nooca Balaastikada ah oo Kuriyada Woqooyi ay Salaasadii shalay dulmarisay hawada Dalka Japan.
Shan iyo Tobanka Xubnood ee Golaha amaanka ayaa si wada jir ah isugu raacayn canbaareytaasi,Sidaasina waxa lagu sheegay Bayaan uu Goluhu soo saarey.
Bayaankan Golaha amaanka ayaa waxa loogu soo jeediyey dhamaan dalalka xubnaha ka ah inay si buuxda u dhaqangeliyaan dhammaan Qaraarada Qaramada midoobay ee uu ka mid yahay Cunaqabataynta dhinc dhaqaalha ee lagu soo rogey kuuriyada woqooyi.
Kuuriyada woqooyi ayaa iyagu dhinacoosda waxay qireen inay Gantaal Balastikada ah ee ridada dhexe ee ay ku rideen dhinaca hawada dalka Japan.
Waana markii ugu horeysay ee ay qirtaan Kuuriyada woqooyi inay Gantaal ku rideen hawada dalka Japan.waxaanay sheegtey in tallaabadani tahay mid Jawaab u ah dhoola tuska millateri ee ay wada jirka u sameynayaan Japan iyo Maraykanku.