|

Madaxweyne Cabdiweli Oo War Farxad geliyey Ka Helay Maamulka Gal-Mudug

Galkacyo:26-Jan-2014(SDN)-Madaxweynaha Cusub ee dhawaan Puntland yeelatay ayaa warkii  ugu horreeyey ee Farxadeed ka Helay Maamulka Gal-mudug oo ay Deris yihiin.

galmudugMaamulka Gal-Mudug ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Qorshayaal ay isku dhax galayaan Shacabka ku kala Nool Koonfurta Iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, isla-markaana ay Isu furan dhinaca Bulshada ah hirgelin doonaan.

 

Wasiirka Kaluumaysiga Maamulkaasi Cabduqaadir Cali Jaamac ayaa sheegay in arimahaasi uu kala hadlay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaas oo dhinacooda si weyn u soo dhaweeyey.

 

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay ku wada nool yihiin shacab-weyne badan ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleysan qabiil iyadoo ay sii dheer yihiin weerarrada gaadmada ah ee ka dhaca dhulka miyiga ah ee ay wada dageen labada beelood.

 

Wada hadalladan maamulkani soo Jeediyey haddii lagu guuleysto waxa ay horseedi karaan in shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ay isdhexmushaaxaan si cabsi la’aan ah.

Labada shacab ayaa si weyn u kala shakisan, waxana inta  badan kala qaqobnaantaasi keentaa in lagu soo dhex dhuunto oo dad dano gaar ah lihi ka faa’iidaystaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed