|

Madaxweyne Cabdiweli Oo God Madow ku Riday Maamulkii Khatumo, Horboodayaasheediina Xilal Wasiirnimo Ku Taxay

Garowe:29-Jan-2014(SDN)-Madaxweynaha Cusub ee Maamul-Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa Dhirbaaxo Siyaasadeed Oo Miisaan Leh Ku legday Kooxda Dibad-wareegga ah ee Khaatumo.

biindheMadaxweyne Gaas ayaa ugu Horrayn Madaxweyne Ku Xigeen ka Dhigtay Nin dhalasho ahaan ka soo Jeeda Deegaanka Buuhoodle oo inta Badan saldhig u ahayd raggii sheegan jirey Maamulka Khaatumo oo haatan Gabalkiisu dhacay.

Madaxweyne Caddiweli ayaa Markii uu Ololaha ku jiray bud-dhig ka dhigtay sidii uu meesha uga saari lahaa Sheegada Khaatumo, waxana uu ku Xigeen ka Dhigtay  Nin ka soo jeeda Deegaanada Buuhoodle oo sheegashada Khaatumo hor boodi jirey.

Intaas kuma uu joogin ee Madaxweyne Cabdiweli oo shalay uun ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada, ayaa  ku soo daray Laba Nin oo hore u sheegan jirey Madaxweynayaal Khaatumo ah, taas oo oodda u sii rogtay God madowna ku sii ridday Hamigii Shacabka Aaminsan inay Khaatumo Mustaqbal yeelan karto.

Madaxweynaha ayaa ugu horraynba Axmed Karaash oo hore madaxweyne uga sheegan jirey Deegaanada Khaatumo ugu magacaabay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose oo ah  goobta ugu muhiimsan Wasiirrada Maamulkaas.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu isaga oo u quusgoynaya Hamigga Khaatumo Mar kale wasaaradda Kalluumaysiga ee maamulkaas u dhiibay Mr Biindhe oo madaxweynayaasha Khaatumo sheegato ka mid ahaan jirey.

Kaliya Haatan waxa Hadhsan Madaxweyne Indhasheel oo ku kaliyeystay Sheegashada Maamulka la Rigay, iyadoo ay dhawaan soo Baxayeen Warar sheegaya inuu somaliland ku soo Fool leeyahay.

Dhirbaaxadan uu Madaxweyne Gaas   ku Mijo xaabiyey Maamulkii ka Fallaagoobay, ayaa loo arkaa Mid midho dhal ah oo soo  xerogelinaysa Quluubta Shacab ay meel ku xidheen Horjoogayaal aan mustaqbalkooda dan ka lahayni.

S.D.N

Contact@somalidiaporanews.com

 

Comments are closed