|

Madaxweyne Cabdiweli Gaas Oo Ku Dhawaaqay In Tallaabo Laga Qaadi Doono Kooxo Ciidankiisa katirsan Oo Askari Maxkamad Xoog Kagala Baxay

Garowe:April,27,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Askar ciidankiisa katirsan Oo Dhawaan Askari si xoog ah kagala baxay Maxkamad lasoo taagay.

cabdiweli gaasMadaxweynuhu waxa uu sheegay in maxkamad la horkeeni doono Askartaas ku dhaqaaqday tallaabadaas oo dhacday 16-Kii bishan April ee aynu ku jirno.

Maxamed Cabdi C/laahi, ayaa loo heystaa in lix sano ka hor uu dooni kalluumeysi ka dhacay Haybe C/laahi Fuundi, isagoo markaa ka mid ahaa dhalinyaradii kooxaha budhcad badeeda Somalida.

Ninkan, ayaa waxaa Maxkamadda lagala baxay, xilli Maxkamadda Magaalada Garoowe ay dooneysay inay go’aan kama dambeys ah ka gaadho kiiskiisa, oo soo jiitamaayay tan iyo sanadkii 2009-ka.

“Baadhitaano ayaa inoo socda oo aan ku ogaaneyno waxa keenay in askartu ay nin ku eedeysan budhcad badeednimo kala baxaan Maxkamadda, iyadoo dacwadiisa ay ka socotay Maxkamadda Sare.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland.

 

Madaxweynaha, ayaa carabka ku adkeeyay in tallaabooyin cad laga qaadi doono askarta, ayna horkeeni doonaan Maxkamadda, si ay uga jawaabaan waxa keenay in nin eedeysane ah kala baxaan Maxkamaddii, gacanta ku haysay dacwadiisa.

“Tallaabooyin cadcad ayaan ka qaadi doonnaa, waxaana horkeeni doonnaa Maxkamadda. Iyagaana sheegi doono sababta ay u kaxeysteen iyo ujeedadii ay ka lahaayen.” Ayuu yidhi C/weli Maxamed Cali Gaas.

Dhacdadan, ayaa waxaa si weyn looga hadalhayay Magaalada Garoowe iyo deegaanada kale ee Maamulka Puntland uu ka arrimiyo, waana nooceedii ugu horeysay oo Garoowe ka dhacda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed