|

Madaxweyne Cabdi Iley oo xilkii laga qaaday iyo Liyu Polickii oo lakala dirayo

Jigjiga Oct 22,2012(SDN)-Waraka ka soo baxay magaalada Adis Ababa oo uu ku sugan yahay madaxweynihii dawlad degaanka Soomalida Itoobiya ee xilka laga xayuubiyay ayaa tibaaxaya in la qorsheynayo haatan in la kala diro Liyu Policekana.

Wararkan ayaa si weyn waxa u daabacaya una hadal haya saxaafada dalka Itoobiya.

Xil ka xayuubinta Madaxweyne Cabdi Cumar Iley ayaa loo aaneynayaatacadiyada ay ciidamada uu sameeyay ee Liyu Policeka.

Ciidamadan ayaa in muda ahba waxa ka cabanayay shacabka ku nool degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Liyu Policeka ayaa xasuuq ka geystay mudadii ay jireen degaano ku yaal aaga Dhagaxbuur,Gaashamo,Baligubedle iyo dhawaan Harshin.

Dawlad degaanaka Somalida ayaa inmudo ahba dafireysay tacadiyada ka dhanka ah shacabka.

Balse waxa dhawaan la soo bandhigay cadeeymo muuqaala oo ay duubeen TV laga leeyahay dalka Sweden.

Muuqaalada ayaa xaqiijiyay tuulooyin hoos taga degaanka Dhagaxbuur oo gebigoodaba ay Liyu Policeku cagta mariyeen.

Dawlada cusub ee Itoobiya ayaa damacsan in ay ka hortagto caro ka dhalata xasuuqa uu madaxweyne Cabdi Iley ku kacay.

Waxa iyaguna xilalkoodii waayay inta badan madaxdii gobolada ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo qudhoda qeyb ka ahaa tacadiyada.

Waxaana xilkii madaxweynenimada Dawlad degaanka Soomaalida sii haya ku-xigeenkiisii Cabdifitax Maxamuud Xasan.

Deagaanka Soomaalida ee Itoobiya oo xad la leh Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ka mid ah sagaalka degaan ee ay Itoobiya ka kooban tahay.

SDN-Jigjiga

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed