|

Madaxweyne Cabdi Iley oo Caayay Somali ku eedeeyay inuu Danbiile Yahay DAAWO

Washington 13.March 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Killalka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa caayey Nin Soomaali ah oo ku eedeeyey inuu yahay Dembiile Xasuuqay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, isla markaana isku-dayey inuu Boolis u dalbado isagoo ku sugan gudaha Huteel ku yaalla magaalada Washington ee waddanka Maraykanka.

ILAYMadaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wefti uu hoggaaminayo oo dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan, ayaa ku sugan magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo dhawaan booqasho shaqo ku tegay halkaas, isla markaana maalmahanba kulkammo halkaas kula lahaa Masuuliyiin iyo Jaaliyadaha deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Maraykan ku dhaqan.

Hase-yeeshee, isaga oo ku jira mid ka mid ah Huteellada Washington, waxa u soo galay nin Soomaali ah oo hadalladiisa ay cadho ka muuqato, kaasoo ku dhawaaqayey weedho ay ka mid ahaayeen; “Kani waa Dembiile, waa maxay sababta uu halkan u fadhiyaa, waa dembiile xasuuqay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waa mabnuuc, mee Booliski maxaa loo qaban-waayey? Waxaan ogeysiinaynaa ICC (Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC).” Weedhahaas iyo kuwo kale ayuu ku dhawaaqayey Ninkan oo isku-dayey inuu gacan-saaro Cabdi Maxamuud Cumar, balse ay Ciidammada ammaanka ee Huteelkaasi ka soo gaadheen.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa markii ay Boolisku soo kala gaadheen ninkaas ku dhawaaqayey Kelmad cay ah oo uu ku cel-celinayey, isagoo ka kacay kursigii uu fadhiyey, isla markaana taagan. Waxaana sidii arrintani u dhacday aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose oo aad kaga bogan kartaan sidii wax u dhaceen ee Daawasho Wacan:-

Comments are closed