Madaxweyne C.weli Gaas Maxaa uga Soo Baxay Kormeerka uu ku Marayo Xafiisyada Laamaha Dawlada
Garowe 07.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Sabtidii lasoo dhaafay bilaabay kormeerka wasaradaha ayaa maanta tagay qaar ka mid ah wasarada dowadda kuwaasoo ku yaala laamiga ama agagaarka madaxtooyadii hore.
Kormeerkan ayaa ahaa mid saxaafada aysan waxba kala socon isla markasna uu gaar u yahay Dr.Gaas wuxuna la kulmay madaxda wasaradaha xanaanada xoolaha,Maaliyadda iyo Bankiga dhexe ee dowladda.
Madaxwaynaha kulanka uu la qaatay wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax ayaa ahaa mid ay masuuliyiintii kale ee la socotay dibada ka joogeen iyadoona arrimaha ay labadaan masuul ka wada hadlayeena aan xog badan laga hayn.
Wasaradda Maaliyadda Puntland oo ah halka kaliya ee qarashaadka dowladda iyo bixinta musharaadka laga maamulo ayaa waayadii danbe waxaa loosoo jeedinayay dhaliilo kala duwan maadama madaxda wasaradda ay qaarkood ku dhagan yihiin goobihii miisaaniyadda loo qoondeeyay.
Agaasimaha isbitaalka Garowe ayaa sheegay mudo todobo bilood ah inaysan wax dhaqaale ah aysan ka helin wasaradda Maaliyadda taasoo kolkii hore ay si toos ah uga qaadan jireen, dhaqaalaha dowladdu ugu talo gashay Isbitaalk ayaa ah 12-kun oo doolar balse madaxda Isbitaalka ayaa sheegaya inaysan wax fasaxid ah oo lacagta ay qaadan jireen ka helin Shire Xaaji Farax.
Ma ahan meelaha kela ee ay cabasho ka imaanayso sidoo kale Isbitaalka Jamaacadda Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha qarka u saaran inay xirmaan haddii aysan dowladdu taageero siin.
Wasaradda Caafimaadka Puntland oo arrimahan ku shuqulka leh wali wax war kama aysan soo saarin inkastoo aan xiriiro la samaynay wasiirka Caafimaadka hadana nooma aysan suurto galin inuu faahfaahiyo cabashada isbitaalka siday uga jawaabayaan.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com