“Madaxweyne Bush waxaan ku yidhi; ‘Su’aashaas Qiimaheedu waa $64,000,’ Markaasuu igu yidhi..” John Nixon
Washington 30. December 2016 (SDN/QJ):- John oo sii sharraxaya Mucjisooyinka uu kala kulmay Saddaam intii uu waraysanayey iyo waxyaabaha xogo hore oo uu ka hayey beddelay ee uu u sheegay, waxa uu yidhi; “Laakiin, markii aannu waraysannay Saddaam Xuseen wax kasta oo aan ka aamminsanyn khalad bay noqdeen! Wuxuu noo sheegay in Ninka Hooyadii qabay uu ahaa Ninkii ugu naxariista badnaa ee uu garanayo noloshiisa, waxaanu su’aashaa iigaga Saddaam iigaga jawaabay; ‘Ibraahim Xasan Illaahow u naxariiso. Sir kasta oo uu hayo Aniga ayuu igu aammini jiray. Aniga ayuu Halkaa waxa innoo marayey qaybta 2aad ee aynu ka soo qaadannay waraysi dheer oo uu Sarkaalkii ugu horreeyey ee Waraystay markii la qabtay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Marxuum Saddaam Xuseen 13-kii December 2003-dii, John Nixon oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan CIA-da, kaasoo uu warramay ama waryasi siiyey Jariiradda caanka ah ee Daily Mail, qaybtii koowaad ee Waraysigaasna aannu idiinku soo gudbinay Qurbejoog.
Qaybta saddexaad oo ah qaybtii innoogu dambaysay ee Waraysigaasi waxay u dhacday sidan hoos ku qoran ee ka bogosho wacan:-a jeclaa xataa Inankiisa Idham’!”
“Intii aan waraysanayey Saddaam waxaan u sheegay in Sirdoonka Maraykanku ay aamminsan yihiin in uu Dhabar-xanuun qabo, in uu iska daayey Sigaarkii uu cabbi jiray iyo Hilibkii Xoolaha ee uu cuni jiray iyo waxa ka jira? Waxaanu Saddaam iigu jawaabay; ‘Anigu ma garanayo cidda waxaa idiinku warramaysay. Dhabar-xanuuna ma qabo, afar xabbo oo Sigaar ah ayaan cabbaa maalin kasta, Hilibka Xoolahana la igama soo gaadho.’ Hase-yeeshee, Hay’adda Sirdoonka ee CIA-du waxay Saddaam ku qeexeen Beenaale joogto ah, laakiin markii aan la kulmay waxaan arkay in uu yahay Run-sheeg daacad ah. Fikraddii kale ee aannu haysannay ee ahayd in uu gacan bir ah dalka ku hayey sax maaha. Markii aannu waraysannay waxaannu ogaannay in sannadihii ugu dambeeyey aannu wax badan kala socon wixii dalkiisa ka dhacayey, xataa waxaan ogaannay in aannu dejin qorshe uu iskaga difaaco weerarkii duufaanka ahaa ee kaga soo socday dhinaca Maraykanka.”
“Markii aanu wax ka weydiinay weerarradii 11-kii September, Saddaam wuxuu la soo booday ‘Waa ayo cidda weerarkaa qaadday?… Sow Sucuudi Carabiya kamay iman…? Yuu ahaa Maxamed Caata…? Ma Ciraaqi buu ahaa? Waa maya. Masri buu ahaa. Ma garanayo sabab aad Aniga iigu tuhmi kartaan in aan lug ku lahaa!’ Saddaam wuxu aamminsanaa in weearkii 11-kii September uu isu soo dhawayn doono Ciraaq iyo Maraykanka oo uu Maraykanku u baahan doono in dawladdiisa Cilmaaniga ahi ka caawiso sidii loola dagaallami lahaa Argaggixisada. Alle ilehe khalad weyn buu fahansanaa.” Sidaa ayuu yidhi John Nixon oo u warramay
Waxaanu intaa sii raaciyey; “Intii aannu waraysiga ku jirnay dhawr Qarax ayaa dhacay. Wuu ku farxay Saddaam wuxuuna yidhi; ‘Maraykanku waddankan wuu ku guul-darraysan doonaa. Weligii Ciraaq ma maamuli kari doono.’ Taariikhdu way u markhaati furtay Saddaam. Marka aan hadda waraysigiisii dib u xasuusto waxaan is weydiiyaa sababtii uu dareenkaa u qabay. ‘Ma garanaysaan Luuqadda, Taariikh iyo Maskaxda Carabta?’ ayuu yidhi Saddaam. Wuxuu intaa noo sii raaciyey; ‘Way adag tahay in aad dadka Ciraaq barato adiga oo aan aqoon u lahayn Taariikhdooda iyo Cimilada dhulkooda. Faraqa innoo dhaxeeyaa waa sida habeenka iyo maalinta ama jiilaalka iyo xagaaga. Sababta loo yidhaa Ciraaqiyiintu way madax adag yihiin waa kulaylka badan ee xagaagii. Xagaagan soo socda idinka ayay idinku kici doonaan. Xagaagii 1958 kacaan baa halkan ka curtay. Xagaayadii lixdanaadkii kacaanno ayaa curtay. U sheeg intaa Madaxweyne Bush!’ ayuu igu yidhi Saddaam.”
“Dhawr sano ayay qaadatay intii aan xaqiiqadu waxay tahay u sharxi lahaa Madaxweynaha Maraykanka Bush; Annaga oo fool-ka-fool isku hor fadhina. Markii aan Madaxweynaha la kulmay waaba la deldelay Saddaam oo muu noolayn. Waxa la deldelay December 2006, toban sanno ka hor. Madaxweyne Bush 2007-dii ayaa la i faray in aan Madaxweyne George W. Bush ku booqdo Xafiiskiisa Oval Office si aan warbixin u siiyo. Madaxweynuhu wuxuu i weydiiyey ‘Nin caynkee ah ayuu ahaa Saddaam?’ Waxaan ugu jawaabay in uu ahaa Nin aan hubaysnayn oo aftahan ah. Waxaan dareemay in Madaxweynuhu ii soo eegay sidii ay dareen cadho Wejigiisa soo galayso. Si dhakhso ah ayaan faahfaahin dheeraad ah u bixiyey, waxanan idhi: ‘Saddaamkii dhabta ahaa ee aan soo arkay wuxu ahaa; Nin qab weyn, Cadaawadi ka muuqato, Dadkana ku dheeldheelaya’. Ka dibna waxa isu sanqaday isaga iyo Madaxweyne-Xigeen Dick Cheney, wuxuuna Bush igu yidhi; ‘Miyaad hubtaa in aanu kuu sheegin halka uu dhigay Suntii Anthrax-ka?’ Ka dibna dhammaantayo waannu qosolnay. Laakiin, kaftankaa Madaxweynaha umaan arkayn mid meesha qabta. Waayo? Sabata beenta noqotay ee ay ku geeriyoodeen 4000 oo Maraykan ahi ma geli karto kaftan.”
Tallaabadii taa xigtay ee is-araggooda labaad ee Madaxweyne Bush iyo Sarkaal John waakan mar kale John oo sharraxayaa, waxaanu yidhi; “Dhawr bilood kadib ayaa haddana madaxweynuhu iigu yeedhay Aqalka Cad. Markan madaxweynuhu wuu cadhaysnaa wuxuuna iga dalbaday in aan uga jawaabo sababta Sheekha Shiicada ah ee Muqtada al-Sadar ee hoggaamiya Ciidamahada Al-Mahdi uu dagaalka halista ah ee ku-dhufoo-ka-dhaqaaqda ah ugala hor yimid Ciidammada Maraykanka? Waxaan ku yidhi; ‘Su’aashaas qiimaheedu waa $64,000,’ Markaasuu igu yidhi maxaad u odhan wayday; ‘74,000 iyo wax kasta oo mushaharkaagu yahay…wuxu muxuu ahaa?’
Buugga xusuus-qorka ah ee uu qoray Bush 2010-kii wuxu ku yidhi; “Waxan go’aansaday Hay’adda CIA-da ee waddaniyaddu ku dheer tahay ee shaqada badan in aanan ku dhalliilin khaladkii Sirdoonka ee ay ka galeen Ciraaq. Laakiin, dhinaca kale waraysi kasta oo uu bixiyey iyaga ayuu eed-reeb ka dhigtay. Khalad kasta oo uu sameeyey iyaga ayuu ku reebay waxaanu ku sifeeyey shaqadii ay CIA-du qabteen mid male-awaal ku salaysnayd.
Ujeeddadaydu maaha in aan Saddaam dembi-laawe ka dhigo. Wuxuu ahaa Keli-taliye bilaa arxan ah oo Waddankiisii u horseeday halaag iyo dhiig badan oo qubtay. Laakiin, ma aamminsani in Saddaamkii meesha laga Tuuray ee xilka laga qaaday ay u qalmayso khasaaraha Maraykanka gaadhay, Geesiyaasha Ragga iyo Dumarka leh ee dagaalkaas ku naf waayey, kooxda ISIS ee meesha ka soo dhex baxday iyo dhaqaalaha gaadhaya 2.5 Tiriliyan ee Doollar ee ku baxay dib-u-dhiska Ciraaq.”
Dhammaad.
Xigasho Wargeyska Ogaal