Madaxweyne Bill Clinton-kii Hore Ee Maraykanka Oo Kenya Jooga Iyo Goobaha U Qorshaysan Inuu Booqdo
Nairobi:May,02,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka Bill Clinton iyo Gabadha uu dhalay ee lagu magacaabo Chelsea, ayaa Maalintii shalay soo gaadhay Waddanka Kenya, waxana ay Kulamo kala duwan la qaateen Madaxweyne Uhuru Kenyata iyo Marwadiisa, iyagoo dalkaas booqasho saddex maalmood ah ku joogi doono.
Clinton iyo gabdha uu dhalay ayaa inta ay dalka ku suganyihiin ka hir galin doona mashaariic dhinaca horumarinta ah oo Gudaha Waddanka Kenya Baahi weyn looga qabo.
War qoraal ah oo kasoo baxay hay’ada Clinton Foundation ayaa lagu sheegay in Mr Clinton uu booqasho kormeer ah ku tagi doono xarumo ay hay’adaasi ku leedahay deegaano kala duwan.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Clinton uu booqdo isbitaalka degmada Mbagathi ee magaalada tan Nairobi.
Maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu booqdo xaafada Kasarani ee magaalada tan Nairobi, si uu uga hadlo arimaha maalgalinta haweenka, waxaana uu galinka dambe xadhiga ka jari doonaa mashruuc lagu taageerayo wax ka qabashada isbadalka cimilada.
Axadana waxaa la filayaa in Clinton iyo gabadhiisa ay u ambabaxaan goobta xayawaanka lagu xanaaneeyo ee Samburu si ay u soo kormeeraan howlaha ay hay’adooda ka qabatay dadaallada ka hor taga ugaadhsiga sharci darada ah.
Hay’ada uu leeyahay Clinton oo wadamo kala duwan ka shaqeysa ayaa hir galisa mashaariic kala duwan oo dhinaca samafalka ah, waxaana ay dalka ka sameysay goobo badan oo ay ka mid yihiin isbitaallo iyo waxyaabo kale oo shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada iyo haweenka.
SDN/QJ