Madaxweyne Bashar Al-Asad oo dib loogu doortay tiradii cod ee u yareed ee uu ebid helo
Dimishiq June 05,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Syriya warbaahinteeda ayaa ku dhawaaqday natiijadii doorashooyinkii madaxweyne ee dalkaasi ka dhacday maalinimadii Talaadada ee ina dhaaftay.
Doorashooyinka ayaa la qabtay iyada oo dalkaasi uu ku jiro dagaal sokeeye oo sadexdii sanadood ee u danbeeyay socday.
Dalalka reer galbeedka iyo mucaaridka dalkaas ayaa gidigood qaadacay doorashooyinkan la qabtay iyada oo dagaal ka socdo dalkaasi.
Warbaahinta dalka Syria ayaa sheegtay in madaxweyne Asad uu ku guuleystay codeynta isla markaana uu helay 88% kiiba.
Warbaahinta ku hadasha afka dawlada dalka Syria ayaa sidoo kale sheegtay in labadii ruux ee la tartamay ee Al-Nouri iyo Xajar ay kala heleen 4.3% iyo 3.2%.
Waa markii u horeysay ee madaxweynaha dalka Syria kursiga lagula tartamo,waana markii u horeysay ee uu helo tiro coda oo ka hooseysa 99%.
Madaxweynaha dalka Syria ayaa doorkan helay tiro cod ah oo ay warbaahinta dawladu ku sheegtay 88%. Waana natiijo dalkaasi aad looga haal hayo.
Dalaka Syria ayaa doorashooyinku ku koobnaayeen uun degaanada ay dawlada dalkaasi gancanta ku heyso oo qura.
SDN.QJ-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com