Madaxweyne Barack Obama Walaalkii oo Wacad ku maray inuu u codayn doono Murashaxa Cunsuriga ah ee Donald Trump
Maryland, 28 July, 2016-(SDN/QJ):– Nin ay wada dhasheen madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo lagu magacaabo Malik Obama ayaa sheegay in doorashada soo socota uusan u codayn doonin xisbiga dimuquraadiga.
Malik oo ka diiwaan gashan gobolka Maryland ee dalka maraykanka balse haatan jooga dalka Kenya ayaa sheegay inuu baddalay fikraddii ahayd inuu u codeeyo xisbiga dumuqraadiga balse uu u codaynayo Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga.
Tani waxay ka yaabisay dad badan oo is waydiinaya Malik Obama maxaa ku kallifay balse asagu wuxuu sheegay in Donald Trump uu ula muuqdo nin warkiisu cad yahay, isla markaana aan wax laa laabin.
Hadalkan ayuu kusoo beegay shirwaynihii dimuquraadiga ee qaylo dhaanta loogu samaynayay Hillary Clinton.