|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xafiiska Ku Qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland Iyo Somalia Iyo Qodobada ay ka wada hadleen DAAWO

Hargaysa 24.July 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maanta safiirka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone D’Urso. iyo ku xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Ethiopia, Ms Cat Evans oo ay weheliyaan diblomaasiyiin kale.

1bc0dd84-60ee-4afd-8bc8-951eaeb6617eMadaxweynaha ayaa ku soo dhaweeyey dalka iyo qasrigaba masuuliyiintani, waxanu intaas raaciyey inuu uga mahadnaqo wadashashaqaynta ay leeyihiin EU iyo Somaliland, oo uu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid meelmar ah oo shaqaynaysa, waxaa kaloo madaxweyunuhu midowga yurub ka tacsiyadeeyey dhiillooyinkii ka dhacay magaalooyinka Paris, Niece, oo faransiiska ah, Brussels Belgium oo ah xarunta midowga yurub, iyo Munich oo Jarmalka ah, waxanu sheegay inay masuuliyiinta gaadhsiiyaan tacsidaasi dalalka midowga yurub iyo bulshadoodaba.

Madaxweynuhu waxa uu yidhi “Waxan idinku soo dhawaynayaa, Ambassadooro, dalka iyo xarunta madaxtooyadaba. Waxan idinka mahadnaqayaa deeqaha midowga yurub iyo ingiriiskuba siiyaan Somaliland, oo ah wado-shaqayn cuddoon oo meel mar ah. Waxanan idinku boorinayaa in xidhiidhkeenu halkaa ka sii socdo.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey sida uu u jecel yahay inay dunidu noqoto mid xasiloon, oo aanay dhicin gacan ka hadal iyo xasillooni darro, Somaliland ay qaybka tahay sidii loo heli lahaa duni badqabta.

Madxweynuhu waxa kale oo uu kala hadlay weftiga geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay inay sidii loogu talogalay ay u socoto, mar uu arrintaa ka hadlaayey waxa uu sheegay in “206 Goobood oo gobolka Sanaag ah ayaa si buuxda uga qabsoontahay diwaangelinta codbixiyeyaasha ilaa imikana ay ka socotaa, dadka ku dhaqan gobolkaasi si weyn ayey uga qaybgaleen, aanay soo dhaweeyeen iyagoo jecel in doorashadu si fiican u qabsoonto. Waxaana loo gudbi doonaa gobolka ugu dambeeya oo ah gobolka Sool, sidii looga hirgelin lahaa diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay dadweynaha gobolkaasi diyaar u yihiin”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay inuu dhismo jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya, midawga yurubna laga rabo inay qaybtooda ka qaataan, Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “10km-na ha ahaatee waxa naga go’an jidka Berbera Corridor oo dhisma, idinkana waxa aanu idinka rabnaa inaad qaybtiina ka qaadataan oo aad weliba dhakhsataan.”

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu kala hadlay weftiga doorashada soo socota March 27-2017 inay ka go’an tahay Somaliland inay wakhtigeeda ku qabsoontowaxaanu intaa raaciyey Madaxweynuhu inay saddexda Xisbi Qaranka wado hadal uga socdo caqabada qudha ee hortaagan doorashada wakiilada oo ah saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.


ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed