|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic laga hirgaliyay Magaalada Berbera halka uu kuwo kalena dhagax dhigay

Berbera 15.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo haatan ku sugan Magaalada Burco ayaa ka hor intii aanu maanta ka soo Kicitimin Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera waxa uu Xadhiga ka jaray Mashaariic horumarineed oo dhawr ah halka uu dhagax dhigay kuwo kale.

siilaanyo berberaMadaxweynuhu Mashaariicda uu dhagax dhigay waxaa ugu Weyn  Dhul aad u baaxad weyn oo dekeda berbera laga hirgeliyey, dhulkaas oo loogu talo galay in lagu raseeyo agabka dekeda, koontiinarada, wiishashka iyo wixii loo baahdo, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu kormeeray xadhigana ka jaray isla mashaariic kale oo laga hirgeliyey Dekeda.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu dhagax-dhigay qaybo cusub oo dekeda lagu kordhin doono dhawaan, waxa kale oo isna uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisme loogu talo galay Bahda Akhristayaasha ee Reading Club, Dhulkaas oo  ay u cayintay Dawlada hoose ee Berbera in ay noqoto goob wax lagu akhristo oo gobolku yeesho, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray Xaruntii hore loogu yiqiin taardheer oo ah barxada ugu weyn gobolka saaxil ee ay dawladu iska leedahay kaydkana ay u haystaan oo laga hirgeliyey mashaariico kala duwan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo xadhiga ka jaray Dhisme dabaq ah oo ah Xarunta Caafimaadka Gobolka oo dhawaan farta laga qaaday lana qalabeeyey, waxa kale oo u madaxweynuhu xadhiga ka jaray meelo badan oo ay kow ka tahay wadooyin door ah oo laga hirgeliyey magaalada berbera taas oo mid ka mid ahi Isku Xidhayso suuqa weyn ee berbera ilaa Xeebta Batalaale oo laami ah iyo kuwo kale oo laga sameeyay suuqa iyo magaalada dhexdeeda ah.

siilaanyo berbera 2Markaas ka dib waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisa oo socdaal lug ah ku dhex maray wadooyinka kala duwan ee saaka xadhiga laga jaray isaga oo ay hogaaminayaan Madaxda kala duwan ee Gobolka saaxil.

ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu tegay oo uu  xadhiga ka jaray xarunta daryeelka iyo keydinta Baabuurta dawlada hoose ee Berbera oo ay Golaha Deegaanka ee Berbera intii ka danbaysay doorashadoodii ay hirgeliyeen, Sida xarun loogu soo hagaago baabuurta dawlada hoose halkaas  oo ay ku soo bandhigeen gaadiid aad u tiro badan oo noocyo kala duwan ah kuwaas oo dhamaantood ah kuwo cusub oo ay ay golaha deegaanku ay soo Iibsadeen Mudooyinkii u danbeeyay.

ka dib waxa uu madaxweynuhu uu hadal kooban oo mahadnaq iyo dhiirigelin ah u soo jeediyey madaxda gobolka iyo shicibka gobolka saaxil waxa uu ugu baaqay inay muujiyey midnimo iyo wada shaqayn ay tahay,si ay Golayaasha kale ugaga daydaan,Waxaanu ku Hambalyeeyay dadaalkooda .

Waxa iyaguna halkaasi shahaadooyin kala duwan ku bixiyey isla barxadaas batalaale madax-dhaqameedka gobolka oo u bogay iskuna raacay wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsadeen madaxda gobolka iyo madaxweynaha qaranka oo ay yidhaahdeen madaxdu waxa aad ku mutaysatay madaxweyne shahaadadan dedaalka iyo wax ka bedelka aad ku samaysay horu-socodka gobolka taas oo maanta madaxweyne aad gobolkan kaga dhigtay mid loo soo hiloobo ama lagu daydo marka loo eego sanadihii hore ama dawladihii adiga kaa horeeyey.

intaasi ka dib madaxweynuhu waxa uu u amba-baxay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco oo ay hada ku sugan yihiin,iyadoo lagu wado inay caawa Kulamo la qaataan duqayda iyo Maamulka Gobolka Togdheer.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed