|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Wareegto ka soo saaray Ilaalinta iyo Daryeelka Deegaanka

Hargaysa 06.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto madaxweyne oo uu ku farayo Ha’yadaha dawliga ah ahmiyadda ilaalinta deegaanka.

 

siilaanyo-2Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa Wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-2689/092014, ka 

soo saaray kuna dhaqan geliyey Ilaalinta Deegaanka.

 

Wareegto Madaxweyne

Ku:      Dhammaan Wasaaraddaha                                                                  Xarumahooda

 

Ku:      Hay’addaha Madaxa-bannaan ee Dawladda                                    Xarumahooda

 

Ku:      Maamulada Gobollada iyo Degmooyinka                                         Xarumahooda

 

Ku:      Dawladaha Hoose ee Dalka                                                                  Xarumahooda

 

Ku:      Ciidammada Kala Duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland            Xarumahooda

 

 

Ujeeddo:       Ilaalinta Deegaanka

 

 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

 

Deegaanku waxa uu saameeyaa bilicda dhulka, fayo-dhawrka caafimaad ee dadka iyo duunyadaba, waxaana waxtarkiisu ku xidhan-yahay hadba Bulshada ku dul nooli sida ay u ilaaliyaan, una daryeelaan, Haddaba:-

 

Markaan Arkay:                   Qodobka 18aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka

                                    Jamhuuriyadda Somaliland ee u dhigan “Dawladdu waxay

                                                mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka

                                                Deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka Bulshada iyo

                                                dhawrista khayraadka Dalka”;

 

Markaan Arkay:                   Xeerka Ka-hortagga Xaalufka iyo Nabaad-guurka, Xeer Lr.

                                                4/98;

 

Markaan Helay:                   Qoraalka talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda

                                                Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga;

 

Markaan Dersay:                Baahidda loo qabo in la xoojiyo gacan ku-haynta Dawladda

                                                ee dhul daaqsimeedka, lana horumariyo ilaalinta dhirta iyo

                                                daaqa;

 

Markaan Garawsaday:      In ay daruuri tahay in laga hortago waxyeelada ka dhalan

                                                karta hadhaaga waxyaabaha loo adeegsado nolol

                                                maalmeedka iyo qashinka warshadaha;

 

Markaan Tixgeliyey,           Kaalinta Xukuumadda ee ah in ay mas’uul ka tahay

                                                baabiinta dhulka gaarka loo ootay ee dhul-daaqsimeedka,

dib u soo celinta maagii kala xadayn jiray dhul

daaqsimeedka iyo dhul beereedka, isla markaana dib loo

sameeyo seerayaashii daaqa iyo kuwo cusub.

 

Haddaba, waxaan farayaa Hay’adaha Dawlaladda ee qoraalkani khuseeyo in ay si wada jir ah uga hawlgalaan fulinta wareegtadan, una gutaan xilka ay xeerarka dalku sareen.

 

Dhinaca kale, waxaan ugu baaqayaa Bulsho weynta Somaliland inay hawshan ilaalinta deegaanka doorkooda ka qaataan, lana shaqeeyaan Hay’addaha Dawladda ee arrintan ku hawlan.  

  

 

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed