|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo u Jawaabay Faroole

Hargeysa Aug 04,2013(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeray  madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Md Cabdiraxmaan Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa khudbad uu ka jeediyay sanadguuradii 15naad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland waxa uu ku sheegay in Somaliland iyo dawlada Federaalku wada hadli Karin la’aantood sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay in Somaliland ka waantowdo raadinta aqoosiga madax banaanida ee ay dunida ku mareyso.

“Runtii waxay ila tahay Cabdi raxmaan farole ninkaa madaxda ka ah Qoladaa Puntland in wax iskaga khaldan yahiin maxaa yeelay waxa uu u hadlay nin Aqoonsiga Somaliland gacantiisi ku jiro waxaan u sheegaynaa Ninkaa odaygaa anagu jawaabta ku haboon bixin mayno ee  deegaankiisa ha u taliyo” ayuu yiiri madaxweynaha Somaliland .

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku adkeystay in Somaliland tahay dal madaxbanaan isla markaana ay xukuumadiisu sii wai doonto wadahadalada ay kula jirto Soomaaliya.

“Runtii Madaxwaynaha Puntland ma ahan nin aan warkiisa aan miisaan u yeeli karno wayoo waxaa kaaga daliila ayuu yiri inta hadal ee uu jeediyay waxa ay ahayeen kuwa daan daansi ah maxuu uga hadli waayay deegaankiisa” ayuu yiri mar kale madaxweyne Axmed Siinlaanyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaan hore looga baran in uu u jawaabo siyaasiyiinta Soomaaliya ee inta badan ka hadla siyaasadaha Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Runtii Madaxwaynaha Puntland ma ahan nin aan warkiisa aan miisaan u yeeli karno wayoo waxaa kaaga daliila ayuu yiri inta hadal ee uu jeediyay waxa ay ahayeen kuwa daan daansi ah maxuu uga hadli waayay deegaankiisa ayuu yiri mar kale Siinlaanyo – See more at: http://gaafo.com/235154/madaxwayne-siinlaanyo-oo-wax-lagu-qoslo-ku-tilmaamay-hadalkii-farole/#sthash.k7g3HHgX.dpuf

 

 

Runtii waxay ila tahay Cabdi raxmaan farole ninkaa madaxda ka ah Qoladaa Puntland in wax iskaga khaldan yahiin maxaa yeelay waxa uu u hadlay nin Aqoonsiga Somaliland gacantiisi ku jiro waxaan u sheegaynaa Ninkaa odaygaa anagu jawaabta ku haboon bixin mayno ee  deegaankiisa ha u taliyo ayuu yiiri Siinlaanyo. – See more at: http://gaafo.com/235154/madaxwayne-siinlaanyo-oo-wax-lagu-qoslo-ku-tilmaamay-hadalkii-farole/#sthash.k7g3HHgX.dpuf

Comments are closed