Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo u ambo baxay Dalalka Jabuuti iyo Isu taga Imaaraadka SAWIRO
Hargaysa 07.May 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Maanta ka Dhoofay Gegida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa isagoo u sii Jeeda dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.
Socdaalka Jabuuti ee Madaxweyne, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefdiga weheliyaa waxay kaga qaybgalayaan dalka Jabuuti caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ee dib loogu doortay xilka, taas oo la filayo inay Maalinta beri ah ka dhacdo Caasimada Jabuuti.
Ka-qaybgalka Madaxweyne, Axmed Maxamed Siilaanyo ee caleemo-saarka Madaxweyne Geelle ayaa ka dambaysay martiqaad rasmiya oo ay Madaxweynaha u soo gudbisay Dawladda Jabuuti.
Dhanka kalena Booqashada Madaxweynaha iyo wefdigiisa ee dalka Imaaraadka, ayaa ah booqasho rasmiya, waxaana martiqaadka u soo diray, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Raiisal Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Dubai, Amiir Muxammed Bin Raashid Al Maktuum.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu Qasriga Madaxtooyadda Salaan Sharaf kaga qaatay Cutub ka tirsan Ciidamada Qaranka,Waxaana Madaxweynaha sii Sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici,Madax iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha qaranka.