|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Tacsi u diray Shan Ruux oo galabta ku Geeriyooday Shil gaadhi

Hargaysa 21.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo isku dhac shil baabuur ugu geeriyooday 21/11/2013 agagaarka Tuulada Xamaas ee duleedka Berbera.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii, Qoysaskii iyo qaraabadii ay ka tageena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Waxaanu Madaxweynuhu caafimaad Illaahay uga rajaynayaa dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in uu caafimaad sareecana uu siiyo.

Doraad Galab ayay ahayd markii deegaanka Makhaaqixada Inanta ee Duleedka Galbeed ee Caasimada Hargaysa uu ka dhacay Shil ku Yimid laba gaadhi oo Wadada ku safrayay isla markaaana Sababay dhimashada Shan qof iyo dhaawac tiro badan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed