|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Soo Kormeeray Fadhiisimada Ciidamadda Qaranka ee Jiida Hore ee Gobolka Sool Iyo Balanqaadyo Cusub oo loo sameeyay DAAWO

AAGA HORE EE FADHIISINKAGanbadha 27.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa maanta Kormeer ku tegay Fadhiisimada hore ee Ciidamada Qaranka ee Deegaanka Ganbadha ee Gobolka Sool.
isaga oo madaxweynuhu sanadkan xooga saaray inuu soo kormeero una kuurgalo xaalada saldhigyo dhawra oo aanu safaradii kala danbeeyey ku soo marin balse uu maanta dul istaagay ciidamadana uu madaxeweynuhu u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa kuna hambalyeeyey dedaalka iyo dhabar adayga ay qarankooda la barbar joogaan habeen iyo maalinba.


Safarkan madaxweynaha ayaa noqonaaya kii saddexaad intii uu talada dalka yahay uu ku soo kormeero ciidamada jiida hore oo iyagu nasiib u yeeshay inay mar walba farxad ku qaabilaan madaxweynahoodii oo dhex jooga ciidamada dhiirigelinaayana.

Comments are closed