Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Shacabka ugu Baaqay inay Si Xilkasnimo,Xamaasad Iyo Xasanaad Raadis uga Qayb qaataan Qaadhaan Ururinta Balaadhan ee Xuska 18 May DAAWO
Hargaysa 16. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) Ayaa Shacabka Somaliland gude Iyo Dibadba Waxa uu u Diray fariin Ku Saabsan Xuska Qaran ee 18 May iyo Gurmad loo Fidiyo Bulshada Somaliland Sidii ay uga soo Kaban lahaayeen Xaaladii abaareed ee Dalka Soo Martay.
Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland, waa mid ku weyn quluubteenna, mana jirto habayaraatee cid weydeyn kartaa. Hasayeeshee, dabaaldeggii iyo damaashaadkii 18-ka May, 2017-ka, waxaannu u beddelnay in aynu doorkan dareen la wadaagno, isla markaana daryeelno dadkeena abaaruhu toysta iyo tabaalaha u geysteen.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan, in ay si xil-kasnimo, xamaasaad iyo xasanaad-raadis leh, uga qayb-qaataan qaadhaan uruurinta balaadhan, ee Guddida 18-ka May aan u magacaabay samaynayaan maalmaha qaran ee (18-ka May iyo 26 June) iyo maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan.
Barnaamijka qaadhaan uruurinta, waxa looga gol-leeyahay, si aynu dadkeena ugu caawinno mashaariic waaweyn oo ay kaga soo kabtaan abaaraha aafeeyey. Dhinaca kalena ka hortag u noqon kara abaaraha soo noq-noqda, Waxaan leeyahay, waa in aynu istaageernaa, oo isku tashannaa, ILAAHAYNA talo saaranaa.
CEELNA UMA QODNA, CIDINA UMA MAQNA
Ugu dambayn, waxa inala gudboon ummad ahaan, in aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna, iyo maalkeenna, isla markaana aynu isu-naxariisanno, si Eebe inoogu naxariisto.