|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Mas’uulkii Labaad ee Xil uu u Magacaabay Diiday ka Aqbalay Iscasilaadiisa

Hargaysa 06. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.

cabdiqaadir-maxamuud-dhago-wayneMadaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-

Ku:   Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Og:          Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

 

Ujeeddo:  Istiqlalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda                        Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Mudane,

In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Comments are closed