|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Magacaabay Laba Degmo oo Cusub oo Hoos Tegi doona Gobolada Togdheer iyo Awdal

Hargaysa 08. August 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto uu maanta ku magacaabay labada degmo.

Sida lagu Sheegay Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige ‘’Xuseen Dayr’’

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

  • In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  • In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

Comments are closed