Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta markii u horaysay Salaadii Ciida ku Tukaday Garoonka Xawaadle
Hargaysa 08.Aug (SDN) Waxaa Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka saaka si weyn looga Oogay Tukashada Salaada Ciidul fidriga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Dadweyne Tiro badan waxa uu Saaka kula Tukaday Garoonka Xawaadle ee Caasimada Hargaysa .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa Wehelinayay Xubno ka Tirsan Golayaasha Qaranka,Madax ka Tirsan Xisbiyada qaranka iyo Mas’uuliyiin kale .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo khudbad halkaasi ka Jeediyay ayaa hambalyo u diray Guud ahaan Shucuubta Islaamka gaar ahaan Ummada Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu ilaahay ka baryay in Ciidan Ciideeda ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo isagoo geesta kalena Shacabka Somaliland u soo jeediyay inay gacmaha isu qabsadaan ilaalinta nabadgalyada,Horumarka dalka, iyo sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi buuxa .
Geesta kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay Maktabad laga hirgalinayo Caasimada hargaysa.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somalilland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa boqolaal qof oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan caasimada hargaysa kula Tukaday Masjid Jaamaca weyn ee magaalada hargaysa,Halka uu sidoo kalena Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradu ay dadweyne tiro badan kula tukadeen Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium .
Geesta kale Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa si weyn saaka looga Oogay Salaada Ciidal Fidriga sida ay ku soo waramayaan Weriyayaashayada ku sugan Gobolada dalka.
Waxaa Shacabka dabaal dega farxada Ciida kala qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada,Xildhibaanada labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida iyo Madax kale.
Sida ay Weriyayaashayadu Sheegeen Tukashada Salaada ayaa ku soo dhamaatay Jewi degan iyadoo deegaanada qaarna ay dul hoganayaan daruuro roob sida Xarunta Gobolka Salal ee Saylac
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com