Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Maanta Codkiisa Doorashadda Madaxtooyadda ka Dhiibtay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda SAWIRO
Hargaysa 13 November 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo marwadiisa koowaad marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde oo gudanaya waajibaadkooda muwaadin-nimo ayaa saaka ka codeeyay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargaysa.
Goobtaasi oo ah meelaha ay dadweynuhu ka codaynayeen komishankuna ay dhigeen sanaaduuqda codbixiyaaysha ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ee lagu dooranayo madaxweynaha bedeli doona madaxweyne Silaanyo.
Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa waxa madaxweynaha kusoo dhaweeyay Guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo musharaxiinta xisbiyadda KULMIYE iyo UCID oo iyaguna isla goobtaasi ka dhiibanayey cod kooda .