|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Lix Gaadhi oo Kuwa Gurmadka Deg Dega ah ku Wareejiyey Gudidda Abaaraha SAWIRO

Hargaysa 03.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas (Ambulance) ka ah.

 

Gaadiidkan madaxweynuhu waxa uu ugu talogalay in lagu galo gurmadka caafimaadka ee lagu taakulaynayo dadka ku tabaaloobay abaaraha baahay ee dalka ka dhacay.

 

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa shacbiga ay abaartu saamaysay, Alle, uga baryey inuu ka dulqaado abaarta, raxmad khayr qabtana u shubo, waxaanu bogaadiyey hawlaha ay ilaa hadda soo qabteen guddida heer qaran ee abaaruhu iyo kuwa gobolada dalkuba.

 

Gaadiidkan oo ah qaybtii labaad, waxa ka horeeyey baabuur noocanoo kale ah oo dhammaa shan gaadhi kuwaasoo ay gacan ka geysatay fudaydintooda wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana mdaxweynaha kala wareegay baabuurtaasi guddida abaaraha oo uu u guddoomay sheekh Xasan  Cabdisalaan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida.

 

Sheekha oo ka hadlay halkaas ayaa ku sifeeyey mdaxweynaha dalka inuu dedaal weyn ka galay waxka qabashada abaaraha, mahadnaqa Illaahay ka dibna u mahadnaqayo hoggaanka dalka ee heeganka u ah inay la talaacaan wax ka qabashada abaaraha.

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0005 DSC_0006 DSC_0007 DSC_0009 DSC_0010 DSC_0011 DSC_0012 DSC_0013 DSC_0014 DSC_0015 DSC_0064 DSC_0074 DSC_0076 DSC_0083 DSC_0089 DSC_0090 DSC_00103 DSC_0103 DSC_0110 DSC_00112 DSC_00233

Comments are closed