Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Kulan la Qaatay Raysal Wasaaraha Itoobiya & Qodobo Xasaasi ah oo laga wada Hadlay
Addis Ababa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxa uu halkaas kula kulmay Ra’ysal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, iyadoo safarkaasi madaxweynaha uu ku weheliyay guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’ysal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ka wadahadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen amniga labada dhinac, iyadoo waqtigan ay dalka Ethiopia ka socdaan mudaharaadyo ballaadhan oo u dhexeeya dowladda iyo qawmiyadaha Ethiopia qaarkood oo ay horkacayaan Labada Qoomiyadood ee ugu Tirada badan dalkaasi oo ah qowmiyadda Oromada iyo Amxaarada.
Inkasta oo aaney jirin war faahfaahsan oo ka soo baxay safarka madaxweyne Siilaanyo ayaa hadana dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay ku doodaya qaarkood in safarka madaxweyne Siilaanyo ulajeedadiisa ugu weyni tahay sidii dalka Ethiopia ay aragtideeda uga dhiiban lahayd doorashada madaxweynenimo ee Somaliland.
Dhinaca Kale Tibaaxo Shabakada Qurbejoog ka heshay Ilo u dhuun daloola Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sheegaya in Sababta Xiligan keentay in Dawlada Ethiopia ay Casuunto Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay Salka ku hayso Sidii ay Wax uga Ogaan lahayd Saldhig Mileteri oo Dalka Isutaga Imaaraadka Carabtu ka dalbaday Madaxweynaha Somaliland inuu ka Siiyo Magaalada Berbera kaas oo dawlada Ethiopia si gaar ah Isha ugu hayso Ujeedada rasmiga ah ee Isu taga imaaraadka Carabtu ka leeyihiin maadaama aanay Jirin Saldhig Mileteri oo Meel kale ay ku leeyihiin Sidoo kalena uu Maraykanku Ilaaliyo Saldanada ka Talisa Imaaraadka.
Ethiopia ayaa in badan lagu celceliyaa iney saameyn siyaasadeed ku leedahay Somaliland, iyadoo Faysal Cali Wareebe oo goor sii horreysay arrintan ka dareen celinayay uu sheegay in Somaliland aan Ethiopia laga maamulin.