|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Ka Soo Laabtay Safarkii Nasashada ee Turki & Siduu uga Hadlay Afganbigii Dhicisoobay SAWIRO

Hargaysa 21.July 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay weheliyaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali ayaa galabta oo Khamiis ah dib ugu soo guryo noqday dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen todobaad nasasho ah oo uu ku joogay madaxweynuhu Magaalada Busra ee dalka Turkiga.

 

Madaxweynaha oo socdaalkiisu ahaa mid khaasa, sidaan hore u sheegnay  ayaa dalkaasi waxa ka dhacay intii uu ku sugnaa isku-day inqilaab, kaasoo ay fashiliyeen shacbiga dalkaasi oo si buuxda ugu hiiliyey madaxweynaha iyo dawladda ay soo doorteen, iyadoo madaxweynaha Somaliland, wax-alla-wax saamayn ah aanu ku yeelan afgenbigaa dhicisoobay.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu hambalyo u diray shacbiga dalka turkiga sida ay u taageereen dawladdooda iyo madaxweynahooda iyo sida geesinimada iyo waddaninimada leh ee ay isku hortaageen kuwii damacsanaa inay xukunka ka tuuraan dawladda sharciga ah ee la soo doortay, waxaanu sheegay madaxweynuhu inay taariikh dhigeen ummadda reer Turki, ka dib markii ay diideen, kana horyimaadeen kacdoonka ciidamada qaarkood ku kaceen.

 

Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray duqayda, waxgaradka, Madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada gobolada, Sanaag, Xaysimo iyo Sool, ajiibida ay kaga qaybgaleen gogoshii nabadeed ee uu hore u fidiyey Madaxweynuhu iyo heshiiska ay ka gaadheen fadhigii maalmaha qaatay ee ku qabsoomay degmada Awr-boogays laguna ansixiyey heshiiskaas, dadka deegaankuna ay isku raaceen inay ummaddooda Somaliland wax la qaybsadaan, waxna la wada qabsado, iyadoo laysku duuban yahay, meelna looga soo wada jeedo danta qaranka oo qof walba faa’iido u ah, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey una mahadnaqay intii kasoo shaqaysay arrintaa taariikhiga ah.

 

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, culimo awdiin, madax-dhaqameed, taliyeyaasha Ciidamada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan qaarkood.

 

1 2 3 4 5 6 7o 13717913_10210055939137307_1609026039_o 13718151_10210055927977028_1669325430_o 13720454_10210055938777298_926528035_o 13720466_10210055931297111_2067534521_o 13720578_10210055926496991_116085821_o 13720637_10210055931017104_782003171_o 13728242_10210055928377038_645034206_o 13728364_10210055930017079_1482838242_o 13728493_10210055927537017_1675700440_o 13728523_10210055927857025_1976838324_o 13835458_10210055932537142_1435478422_o 13835581_10210055927177008_1770320584_o 13835618_10210055937337262_607247536_o 13835634_10210055932497141_1504418137_o 13835846_10210055933697171_1392845232_o 13836008_10210055931937127_2146977785_o 13836066_10210055937137257_1946072750_o 13838028_10210055930097081_493173131_o 13838165_10210055933217159_758899951_o 13838302_10210055934697196_222238112_o 13838363_10210055933777173_1867023050_o 13838434_10210055934377188_1936920321_o 13838462_10210055930177083_1103624154_o

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Comments are closed