|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Iscasilaadii Ka Aqbalay Wasiirkii Hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Isla Markaana Magacaabay Wasiir Cusub

Hargaysa 07 November  2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu kaga Aqbalaad Is-casilaadii uu soo Gudbiyay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane, Maxamed Cabdillaahi Oobsiiye   isla markaana Waxa uu Madaxweynuhu Magacaabay Wasiir Cusub.

Wareegtada Madaxweynaha oo uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa u Dhignayd Sidan:-

 

Mudane,

 

Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeedadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan ayuu Yidhi Madaxweynuhu.

Geesta Kale Waxa uu Madaxweynuhu Magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadda,Wareegtadu waxay u dhignayd

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH

Comments are closed