Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Gudi Kale u Xilsaaray Soo Afjarida Loolanka Kulmiye ee Xadhkaha Goostay Iyo Jewiga Cakiran ee Gudidan Hor yaala
Hargaysa 01.Nov 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ayaa Gudi u Magacaabay Soo Afjarida Khilaafka Kulmiye ee ka dhashay Shirka Golaha Dexe. xubnahasi oo kala ah wasiirka Gashandhiga Axmed X. Cali Cadami, xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, guddomiyaha dawlad wanaag Iyo ladagaalanka musumaasuq Axmed Muxmed Madar, Cabdirisaaq Ciyaale oo ah Gudoomiyaha Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Ururada Siyaasada Iyo Xubin sare oo ka Tirsan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka.
Arintan ayaa timid ka dib markii uu xalay Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay Garabada isku haya Xisbiga Kulmiye.
Shirka Muranka dhaliyey ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Mudo badan dib u dhac ku Yimid ayaa ku Mudaysan inuu Qabsoomo 10 Bishan November oo Sideed Cisho inaga Xigaan.
Labada Garab ee ku hirdamaya Xisbiga Kulmiye ayaa Garabka ka socda Murashixiinta Huwanta ahi waxay Madaxweyne Siilaanyo habeen sadexaadkii u qadimeen inaan Wax lagala Tashaday aanay Jirin Sidoo kalena uu Wakhtigu Gabaabsi yahay loona baahan yahay Sidii Dib loogu dhigi lahaa Xiliga uu Shirku dhici lahaa,Taas oo la soo wariyey inuu Madaxweyne Siilaanyo ka garaabay doodooda ,Hasa Yeeshee Garabka ka socda Gudoomiye Muuse Biixi ayaa ku nuux nuuxsaday in Wax waliba u dhan Yihiin loona baahnayn Jiitan danbe oo ku yimaada shirka.
Ilaa iyo hada lama Saadaalin karo go’aamada ka soo bixi doona Gudidan gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Kuwaas oo la filayo inay Si rasmi ah Hawshooda u bilaabaan Beri oo Isniin ah,Taas oo ka dhigaysa Rajada laga qabo qabsoomida Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Mid u saan saan eeg inuu dib u dhac ku Yimaado maadaama la hubinayo Tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee qaatay Kaadhadhka aqoonsiga iyo Sidii loo heli lahaa Saaxad furan oo Murashixiintu ku kala calaf qaadaan,Hasa yeeshee Waxaa taas Mugdi gelinaysa Garabka Gudoomiye Muuse Biixi oo Meel adag ka taagan hakad ku Yimaada Xiliga loo cayimay Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye.