|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Goor dhawayd Xilkii ka Qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Isla Markaana Magacaabay Maareeye Cusub

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo uu Maanta Soo Saaray oo Isugu Jirta xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetadan oo uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) Waxa lagu Sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Xilkii ka qaaday Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Cali Cismaan Waxaanu Madaxweynuhu Yidhi

   

Mudane,

 

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca Kale Wuxuu Madaxweynuhu Digreetadan ku Magacaabay Maareeyahay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Waxaanay Wareegtadu u dhignayda Sidan:-

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:          Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

 

Markuu Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:         In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

   Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Comments are closed