Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dib ugu soo Laabtay Caasimada Hargaysa
Hargeysa 02.June 2015 (SDN/QJ) Madaxweynaha Somalilad Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay magaalada Berbera, ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa, waxaana Madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminayay Berbera ka soo raaceen gaar ah oo keentay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha waxa madaarka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo qaybo ka mid ah bulshada Somaliland, waxaana safarka Madaxweyne Siilaanyo uu kaga soo laabtay magaalada Berbera ay ku wehelinayaan Marawada koowaad, Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xoghayihiisa gaarka ah Cali Axmed Cali.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Berbera waxa uu xadhiga ka jiray mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin laab lagu hubinayo tayada shidaalka, kaas oo laga hirgeliyay haamaha kaydka shidaalka Berbera iyo kormeer uu ku tagay xarunta ay Xukuumadda Somaliland dejisay qoxoontiga ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen.