Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dalbaday kulan wadajira oo uu la yeesho Guurtida iyo Wakiilada
Hargeysa Jan 12,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Soaliland ayaa maanta dalb u gudbiyay shir guddoonka labada aqal Baarlamaan ee Somaliland.
Kulankan oo dhici doona maalinta sabtida ah ee ina soo heysa ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uga hadlo xaaladihii u danbeeyay ee dalka.
Dalabka madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ku wejahan Kulanka ka dib ayaa Xoghayaha Gollaha Guurtida Somaliland Cabdilahi Ibrahim Habane waxa uu qoraal u diray dhamaan xubnaha labada golle Baarlamaan ee Somalilnd.
Qoraalkan oo looga dalbaday xubnaha in ay kulanka ka soo qeybgalaan ayaa sidan u qoraa ; “Shir-guddoonka Golaha Guurtidda Somaliland, isagoo Tixraacaya Warqadda Summadeedu tahay JSL/M/ShGW/081-856/01/2012, kuna taariikhaysan 12/01/201, Ujeedadeeduna tahay qabashada Kal-fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxa dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu war-gelinayaa inay ka soo xaadiraan Kal-fadhigaasi aan Caadiga ahayn oo ku qabsoomi doona Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland, Maalinta Sabtida oo ku beegan 14/01/2012 saacaduna tahay 9:00 Subaxnimo, haddii Eebe Idmo
Sidaasi darteed, waxa lagu adkaynayaa Dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda ka soo qayb-galka Kal-fadhigan aan caadiga ahayn, wakhtigana dhowraan.”
Qurbejoog-Hargeysa