|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Ku Dhow Shan Boqol oo Maxbuus Kadib Markii ay Buuxsameen Xabsiyadii!!

Hargaysa 29. July 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Cafis ku siidaayey Maxaabiis Tiradadoodu dhan tahay 489.

Cafiskan oo ah mid uu Sannad walba Madaxweynuhu Sameeyo isla-markaana lagu siidaayo Maxaabiista u xidhan Dambiyada yaryar, ayaa waxa sannadkan ka faa’ideysanaya 489 Maxbuus oo muddooyin kala duwan ku xidhnaa Xabsiyada Dalka.

Sidaana waxa Xaqiijiyey Agaasimaha Waaxda Xabsiyada ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Gar-yaqaan Ibraahim Khadar, sida uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook.

Agaasimaha Waaxda Xabsiyada ayaa qoraalka uu Facebook ku baahiyey wuxuu u qornaa sidan “Si maxaabiista xidhan loo kala fududeeyo, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) cafis u fidiyey 489 maxbuus oo xabsiyada dalka ku xidhan, buuxiyeyna shuruudaha cafiska. Xeer-ilaalinta, Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladdu waxay si toos ah Maanta uga hawlgaleen sii-daynta maxaabiistaas. Cafiska Madaxweynaha ujeeddada ugu weyn ee loo sameeyaa waa in buux-dhaafka xabsiyada laga qaado oo il-naxariis leh lagu eego maxaabiista.”

Madaxweynuhu wuxuu hore Cafis ugu fidiyey Maxaabiis Tiradoodu ahayd 94, kuwaasi oo ku xidhnaa Xabsiyada Magaalooyinka Burco iyo Boorama oo uu dabayaaqada bishii Shannaad ee Sannadkan uu ka dillaacay Cudurka Shuban-biyoodku.

Comments are closed