|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Britain ka hambalyeeyay siidii uu dalkaasi u maamulay tartankii Olympiga

Hargeysa Aug 15,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa qoraal hambalyo ah u diray Raiisul wasaaraha dalka Britain oo dalkiisu dhawaan martigeliyay tartankii Olympiga ee 2012.

Qoraalka Madaxweynaha oo dhameystirana waxa uu u qoraa sidan;“ Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaaliland waxaan kugu hambalyaynayaa adiga iyo dalkaagaba sida guusha ah ee aad u maamusheen tartankii Olympic 2012 kaas oo ku dhammaaday ruux ciyaartoynimo iyo si nabad ah.

Waxaad muujiseen jawi iyo saaxad si walaaltinimo leh loogu tartamayo, isla markaana, waxaad meesha ka saarteen cabsi kasta oo ka iman kartay falal argagaxiso iyo fursad kasta oo lagu waxyeelayn karayay munisibadan qaaliga ah.

waxaa aan ku faraxsan ahay in aan xuso, xukuumadayda iyada oo ay iskaashanayaan hay’adaha nabadgelyo ee Britain in aan gacan ka gaysanay sidii loo xakamayn lahaa cabsida nabadgelyo ee ku hareeraysnayd tartanka Olympic 2012.

Farxadda guusha Mo Faarax oo si siman looga dabaal degay Britain iyo Somaaliland, waxaa ay muujinaysa xidhiidhka taariikheed ee ka dhexeeya labada dal,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Isaga oo ku ladhay “Billadaha dahabka ah ee uu ku guulaystay Mo faarxa ayaa uu ku mutaystay in uu halyay ka ahaado labada dalba iyo in labadeenna dalba fursad u helaan in ay madaxa kor u taagaan.

Waxaanu Britain uga mahadcelineynaa fursada aad siiseen mid ka mida ubadkeena Somaliland Mo Farah ee guulaha taariikhiga ah soo hooyay,waxaanu rajeyneynaa in guulahaasi ay indhaha caalmka u soo jiidaan horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada Nabadeynta iyo Dimuqraadiyada dalkiisa Somaliland.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed