|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo muxuu uga aamusan yahay Shirka Taleex?

Hargeysa Jan 09,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa ilaa iminka ka aamusan shirka belaha Sool uga socda degmada Taleex ee hadalada kala duwani ay ka soo baxayaan.

Ilo wareedyada qaar ayaa qaba in Madaxweynaha Somaliland ama ku xeeraneyaashiisu ay wax isku ogyihiin siyaasiga reer Sool ee Cali Khaliif Galeydh.

Halka dadka qaarna ay qabaan in Madaxweyne Axmed Siilaanyo la hoday oo uu hore heshiis ula galay siyaasiyiinta reer Sool iyo dalalka xiiseeyay siyaasadaha Soomaalida iminkana aaney jirin meel uu ka soo noqdo.

Cali Khaliif qudhiisa ayaa ay sheekadu ku balaadhatay oo daad qaaday ka dib kolkii reer Sool shirka uga soo qeybgaleen si ka balaadhan sidii la filayay.

Taageereyashii Madaxweyne Siilaanyo ku hubsaday Kursiga dalka ugu sareeya ayaa ilaa iminka garan la’a halaka uu Madaxweynuhu wax ku wado iyo aamuskiisan saaidka ah.

Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland ayaa ahaa masuulka keliya ee ka hadalay khatarta shirkaasi u leeyahay Somaliland,balse waxaad moodaa in isna la aamusiyay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa u muuqda ruux heshiisyo faro badan oo ragii kale ee la tartamay ka maageen xilka ku gaadhay,shirka Taleexna heshiisyadaas  in uu qeyb ka yahay ayaa dhici karta.

Hadaba akhriste sideed u aragtaa habdhaqanka madaxweynaha Somaliland ee ku wejahan shirka beelaha Sool ee Taleex ka socda?

Fikradaada fadlan si asuuluubeysan uga soo dhiibo

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed